boramanews.com

Muxuu yahay ujeedka ciidamo ka socda Mareykanka ay u tageen Nigeria

Ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa gaaray dalka Nigeria si ay u tababaraan ciidammada qalabka sida ee dalkaas Galbeedka Afrika ku yaalla, isla markaana ay u siiyaan xog sirdoon dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadla Islaami ah iyo kooxo kale oo hubeysan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Nigeria, Major General Samaila Uba, ayaa sheegay in askarta iyo qalabkoodii ay ka dageen garoon ku yaalla gobolka waqooyi-bari ee Bauchi.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in askartan aysan ka qeyb qaadan doonin hawlgallada dagaalka tooska ah, islamarkaana ay u yimaadeen codsi ka yimid dowladda Nigeria.

Tallaabadan ayaa timid kaddib duqeymo cirka ah oo uu Mareykanku fuliyay xilligii ciidda masiixiga ee bsihii December, kuwaas oo lagu beegsaday laba xero oo ay maamulayeen koox maleeshiyaad Islaami ah oo ku yaalla waqooyi-galbeed Nigeria.

Dalka Nigeria wuxuu wajahayaa caqabado amni oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kacdoonno ay wadaan kooxaha Islaamiga ah, weerarro ay fuliyaan burcad dhac iyo afduub sameeya, iyo sidoo kale khilaafaad la xiriira dhul iyo kacdoonno gooni- ugoosad ah.

Related posts

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha QM oo degdeg ugu baahan lacag ay ku howlgasho 2026

Cabdi Casiis

Mali Iyo Burkina Faso Ayaa Ka Mamnuucay In Dalalkooda Yimaadaan Muwaadiniinta Mareykanka.

Cabdi Casiis

“Fiqi iyo Xasan Sheekh mooyee dadka kale ee Muqdisho ku nool waa dad dowladnimo rabo, Fiqi waxa uu ka xishoon waayay Sheekh Shariif oo heer Taliye Nabadsugid gaarsiiyay”Siyaasi Bood Cabdullaahi Magan

Cabdi Casiis