boramanews.com

Saif al-Islam Gaddafi wiilkii hoggaamiyihii Liibiya oo la dilay

Saif al-Islam Gaddafi, oo ahaa wiilka hoggaamiyihii hore ee Liibiya Col Muammar Gaddafi, ayaa la soo weriyay in la dilay.

Geerida ninkan 53 jirka ahaa, oo mar si weyn loogu arkayay inuu ahaa dhaxal-sugaha aabbihii, waxaa maanta shaaciyay koox ay isku dhawaayeen , sida ay werisay Wakaaladda Wararka Liibiya.

Walaashiis ayaa u sheegtay telefishinka Liibiya in uu ku dhintay meel u dhow xadka dalka uu la wadaago Algeria, balse ma aysan xaqiijin sida uu u dhintay.

Ilaa hadda ma cadda sababta dhimashadiisa, iyadoo warar is khilaafsan ay ku faafayaan warbaahinta Liibiya.

Saif al-Islam Gaddafi muddo dheer ayaa loo arkayay shakhsiga ugu saameynta badan lagana cabsado dalka, marka laga reebo aabbihii, kaas oo xukumayay Liibiya laga soo bilaabo 1969 ilaa laga riday laguna dilay kacdoon dhacay sanadkii 2011.

Wuxuu dhashay sanadkii 1972, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay isu soo dhowaanshaha Liibiya iyo waddamada Reer Galbeedka intii u dhexeysay 2000 ilaa burburkii xukunkii Gaddafi.

Ka dib markii aabbihii xilka laga tuuray, Saif al-Islam Gaddafi, oo lagu eedeeyay inuu door weyn ku lahaa caburinta arxan-darrada ah ee mudaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda , waxaa ku xiray maleeshiyo kale oo iska soo horjeeday magaalada Zintan muddo ku dhow lix sano.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa dooneysay in maxkamad la saaro, iyada oo ku eedeysay dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada, kuwaas oo la xiriira doorkiisii lagu eedeeyay ee lagu caburinayay mudaharaadyadii mucaaradka sanadkii 2011.

Related posts

” Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qaadaya Masuuliyada dagaalka Baydhabo” Saadiq

Cabdi Casiis

“Somaliland Waa Waddan Dimuqraadi Ah, Muslim Halka Somalia Ka Jiraan Qalasaaso..”Benjamin Netanyahu

Cabdi Casiis

Suudaan ayaa ku eedeysay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka soo kacaya Itoobiya ay ku soo xadgudbeen dhulkeeda isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo sidoo kale “fal gardarro ah.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii, 22-kii Febraayo 2018, ku sheegtay inay la socotay gelitaanka diyaarado kasoo kacay dhulka Itoobiya oo soo galay gudaha dalkeeda intii lagu jiray bisha Febraayo iyo maalmaha hore ee Janaayo. Waxay intaa ku dartay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Suudaan isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan meelaha la weeraray ama khasaaraha ka dhashay. Dowladda Suudaan ayaa ku tilmaantay xadgudubka drone-ka ee la sheegay inuu ka yimid dhinaca Itoobiya “fal masuuliyad darro ah oo aan la aqbali karin,” waxayna ka digtay in arrintani horseedi karto cawaaqib kale. Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo lagu baahiyay af-Carabi ayaa sidoo kale xusay in haddii falalkan ay sii socdaan, dalka uu xaq u leeyahay inuu difaaco madaxbannaanidiisa iyo midnimada dhulkiisa, isla markaana uu awood u leeyahay inuu kaga jawaabo “siyaabo kala duwan.”

Cabdi Casiis