Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ku sameynaya agagaarka Taiwan isagoo u ekaysiinaya qabsashada iyo go’doominta goobaha muhiimka ah ee jasiiradda, taasoo digniin u ah “xoogaga gooni-goosadka ah”.
Ciidamada badda, cirka iyo gantaalaha ayaa loo diray dhoolatuskan oo isugu jira dhoolatus toos ah,sida uu sheegay militariga Shiinaha.
Dabridkan oo loogu magac daray “Howlgalka Cadaaladda ” (Justice Mission 2025), dhoolatuska ayaa dhacaya maalmo kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay in uu Taiwan ka iibinayo mid ka mid ah xidhmooyinkiisa hub ee ugu waaweyn oo ku kacaya $11bn (£8.2bn). Talaabadan ayaa keentay diidmo xoogan oo ka timid Beijing oo iyaduna cunaqabatayn saartay shirkadaha difaaca ee Maraykanka.
Dadaallada Taiwan ee ah in ay sare u qaaddo difaaceeda sanadkan waxa ay sidoo kale ka caraysiisay xukuumadda Beijing oo iyaduna ku andacoonaysa in jasiiradda iskeed isu maamusho ay tahay dhulkeeda.
Xafiiska madaxtooyada Taiwan ayaa dhaleeceeyay dhoolatuska Shiinaha ee soo socda, wuxuuna ku tilmaamay mid caqabad ku ah xeerarka caalamiga ah.
Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in subaxnimadii isniinta ay ka war heleen diyaarado iyo maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku hareeraysan Taiwan, waxaana ay diyaariyeen ciidamadooda iyo habka gantaalada si ay ula socdaan xaalada. Ciidamadeeda ayaa la galiyey “feejignaan sare” sidii ay u difaaci lahaayeen Taiwan ayna “u ilaalin lahaayeen dadkeenna” ayay tiri wasaaraddu.
Qoraal uu soo dhigay Weibo, Taliyaha qaybta Bari ee Milliteriga Shiinaha – oo mas’uul ka ah marin biyoodka Taiwan – ayaa ku tilmaamay dhoolatuska milateri inuu yahay “Gaashaanka caddaaladda“.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Beijing ayaa dhoolatuskan ku tilmaantay “ciqaab adag oo ka dhan ah xoogaga gooni-u-goosadka waxayna uga digtay “xoogaga dibadda” “in Taiwan loo isticmaalo in lagu xakameeyo Shiinaha“.
