boramanews.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Sheegay Hadal Culeska Ku Kordhi Kara Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’iil, ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan dalka Iraan.

Gideon Sa’ar, ayaa sheegay inay arkaan waxa ay sameynayaan dadka reer Iiraan, isla markaana ay guul u rajeynayaan oo ay taageerayaan halhgankooda xornimo.

“Waxaan u maleyneynaa inay u qalmaan inay xor ahaadaan oo ay yeeshaan mustaqbal wanaagsan”, ayuu yiri Gideon Sa’ar, wasiirka arrimaha dibedda Israa’iil.

“Wax cadaawad ah nagama dhaxeyso dadka reer Iiraan, balse waxaan dhibaato weyn ku qabnaa maamulka Iraan, taas oo ah dhibaato ay nala qabaan gobolka iyo caalamka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Related posts

Mali Iyo Burkina Faso Ayaa Ka Mamnuucay In Dalalkooda Yimaadaan Muwaadiniinta Mareykanka.

Cabdi Casiis

Soomaaliya Ayaa La Wareegtay Hoggaanka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Cabdi Casiis

Trump Oo Markale Sheegay Rabitaankiisa In Greenland Lagu Daro Mareykanka

Cabdi Casiis