Tirada xukunada dilka ah ee Iiraan 2025 ayaa lagu qiyaasaa in ay laba jibaarantay marka loo eego tiradii ka dhacday guud ahaan dalka oo dhan sanadkii 2024-kii.
Kooxda xuquuqul insaanka Iiraan ee fadhigeedu yahay Norway ayaa BBC-da u sheegtay in ay xaqiijisay ugu yaraan 1,500 oo dil ah ilaa bilowgii December, iyaga oo intaa ku daray in kuwa kale oo badan ay dhaceen tan iyo markaas.
Sannadkii hore, IHR waxay awooday inay xaqiijiso 975 dil – in kasta oo tirada saxda ah aysan waligeed si buuxda u caddayn maadaama mas’uuliyiinta Iiraan aysan bixinin tirooyin rasmi ah.
Si kastaba ha ahaatee, falanqayntu waxay muujinaysaa koror kale oo weyn oo sanadle ah, iyo tirooyin la mid ah kuwa ay bixiyaan kooxaha kale ee kormeerka.
Dowladda Iiraan ayaa horay u difaacday xukunkeeda dilka ah, iyadoo sheegtay in ay ku kooban tahay oo kaliya “dambiyada ugu daran”.
Tirada toogashada ayaa durba kor u kacday ka hor inta aysan dalka oo dhan ka dhicin mudaaharaadyo waaweyn sanadka 2022-ka kadib geeridii Mahsa Amini oo xabsiga lagu hayay.
Haweeney 22 jir oo Kurdish ah ayey xireen boolisku akhlaaqda ee magaalada Tehran ka dib markii lagu eedeeyay inay u xiratay xijaabkeeda “si aan sax ahayn”.
Dhaqdhaqaaqa mudaaharaadku waxa uu u taagnaa caqabadii ugu waynayd ee ka hor imanaysa sharcinimada hoggaanka Iiraan sanado badan.
Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sheegay in heerka dilka ee Iiraan uu kordho marka taliska uu dareemo khatar iyo in ujeedadu tahay in laga hortago mucaaradka gudaha iyada oo cabsi lagu beerayo shacabka.
