boramanews.com

Bada Liibiya Oo Soo Caariday Maydadka Dad Tahriibayaal Ah Iyo Tirada Maydadka Soo Caariday Badu Oo La Shaaciya

Ugu yaraan shan mayd oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan labo haween ah, ayaa laga helay xeebta Qasr al-Akhyar, oo ah magaalo xeebeed dhacda bariga caasimadda Liibiya ee Tripoli, sida uu sarkaalka booliiska ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hassan Al-Ghawil, oo ah madaxa baarista ee xarunta booliiska Qasr Al-Akhyar, ayaa sheegay in sida ay sheegeen dadka deegaanka, uu jiray maydka ilmo yar oo xeebta soo caariyey balse hirarka badda oo kacsan awgeed uu dib ugu noqday badda, iyadoo la codsaday in ciidanka ilaalada xeebaha ay raadiyaan.

Ghawil ayaa xusay in maydadka la helay ay dhammaantood yihiin dad Afrika kasoo jeed. Maydadkan ayaa laga helay xeebta Emhamid Al-Sharif ee qaybta galbeed ee magaalada, waxaana soo sheegay dad deegaanka ah oo la xiriiray saldhigga booliiska.

Libya waxay noqotay marin ay maraan muhaajiriinta ka baxsanaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyagoo sii dhex maraya badda Mediterranean-ka, tan iyo markii uu dhacay nidaamkii kaligii-taliye Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011 kadib kacdoon ay taageerayeen gaashaanbuurta NATO. Colaadaha kooxaysiga ah ayaa dalka u qaybiyey dhinacyada bari iyo galbeed tan iyo sannadkii 2014-kii.

Qasr al-Akhyar waa magaalo xeebeed qiyaastii 73 kiiloomitir (45 mayl) dhanka bari ka xigta magaalada Tripoli.

Sawirro lagu baahiyey internet-ka, oo ay sidoo kale aragtay Reuters, ayaa muujinayey maydadka muhaajiriinta oo yaalla xeebta, iyadoo qaar ka mid ah ay weli ku dhex jireen agabka sabbaynta.

Related posts

Ku dhowaad 10 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday iskuul ku yaala Canada halka 25 kale ay ku dhaawacmeen

Cabdi Casiis

Xukunka dilka ah ee Iiraan oo lagu qiyaasay inuu labalaabmay sanadka 2025

Cabdi Casiis

Waa kuma sarkaalka Al Shabab ee shalay la dilay ee Maraykanku aadka u doondoonayey

Cabdi Casiis