boramanews.com

Dalalka Muslimka ee laga soomay maanta iyo kuwa berri soomi doona

Malaayiin qof oo ku nool daafaha dunida ayaa maanta u ah maalintii koobaad ee bisha Ramadan, kadib markii dowladda Sacuudiga ay gelinkii dabe ee shalay ku dhawaaqday in Arbacada maanta tahay maalinta koowaad ee soonka.

Toban waddan oo Islaam ah ayaa ku dhawaaqay in la arkay bisha Ramadaan fiidkii Talaadada, taasoo Arbcada ka dhigaysa maalinta ugu dambeysa ee Shacbaan, iyo maalinta ugu horreysa ee soonka bisha Ramadaan sanadka 1447 Hijriga,

Dalalkaas waxaa kamaid ah Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Qadar, Baxrayn, Kuwait iyo Yemen.

Ciraaq iyo Lubnaan ayaa sidoo kale kamid ah.

Dalka Suudaan, Golaha Fiqiga Islaamka ayaa ku dhawaaqay in Arbacada ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka maanta laga soomayo.

Dalal kala ayaa ku dhawaaqay in aanan la arkin bisha, sidaa awgeed, waxay ku dhawaaqeen in Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee soonka.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Suuriya, Turkiga, Masar iyo Singapore, Masar, Urdun, Liibiya iyo Algeeriya.

Dalka Indonesia, Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa ku dhawaaqday in Khamiista ay noqon doonto maalinta ugu horreysa ee Ramadaan.

Cumaan, todobaad ka hor ayay ku dhawaaqday in soonku bilaaban doono Khamiista.

Morocco iyo Mauritania ayaa kamid ah dalalka aan shaacin taariikhda laga soomayo dalalkooda.

Related posts

Ciidamada Ilaalada Xadka oo lasoo dhoobay Minneapolis iyo dibadbaxyada oo weli socda

Cabdi Casiis

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Sheegay Hadal Culeska Ku Kordhi Kara Iiraan

Cabdi Casiis

Faysal: Waa La Inagu Soo Duulay

mustafeamiin@gmail.com