boramanews.com

Madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Venezuela oo la dhaariyay

Delcy Rodríguez ayaa loo dhaariyay madaxweynaha ku- meel gaarka ah ee Venezuela kadib kulan baarlamaan oo ku bilowday dalabaad ah in xabsiga Mareykanka laga siidaayo hoggaamiyihii xilka laga tuuray, Nicolás Maduro.

Rodríguez, oo 56 jir ah, oo ahayd madaxweyne ku xigeenka tan iyo sanadkii 2018-kii, ayaa sheegtay inay ka xun tahay waxa ay ugu yeertay “afduubka” Maduro iyo xaaskiisa, Cilia Flores, kuwaas oo ay qabteen ciidamada Maraykanka kadib weerar dhacay habeenimadii Sabtida.

Maduro oo la so taagat maxkamadda, ayaa waxaa uu ku adkaystay inuu weli yahay madaxweynaha Venezuela, isagoo beeniyay afarta dacwadood ee ah ka ganacsiga daroogada iyo argagixisannimada.

Dhanka kale, Maraykanku waxa uu la kulmay dhaleecayn xooggan oo Qaramada Midoobay ah, laakiin safiirka Maraykanka ayaa ku jawaabay in kaydka tamarta ugu weyn adduunka aan gacanta loo gelin karin hoggaamiye sharci darro ah, oo “ka fog cadaaladda.”

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo raashiin dib ugu celisay WFP

Cabdi Casiis

Muxuu yahay Gaariga MW Turkiga uu u haddiyeeyay Dhiggiisa Masar & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?

Cabdi Casiis

Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Oo Markii Ugu Horeysay u Jawaabay Trump

Cabdi Casiis