Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
War kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya Villa Somaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadlayaan wada-tashiga ku aadan dadaallada diblumaasiyadeed oo lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey baa la yiri muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.
Warka waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.
Dhanka kale wararka kale ayaa sheegaya in Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in uu Booqasho Ku Tego Dalka Turkiga xilli aytaagan tahay Xiisada Somaliland Iyo Israel.
In kasta oo safarka Xasan Sheekh la qorsheeyay ka hor xiisadihii ugu dambeeyay ee ka dhashay tallaabada Israel, dadka u dhuun daloola Ankara waxa la filayaan in Erdogan uu ka hadli doono tallaabada halka dhinac ah ee Israa’iil inta uu socdo kulanka.
Sidoo kale w labada mdaxweyne ayaa ka qeeybgeli doonaan munaasabad looga dhawaaqi doono in sanadka cusub ee 2026 Soomaaliya laga bilaabi doono qodista shidaalka halkaas oo ay shirakadaha Turkigu ay labadii sano ee lasoo dhaafay aay baaris shidaal ka wadeen Soomaaliya, gaar ahaan dhanka badda.
Waxaa la filayaa in labada madxweyne ay ka qeeyb geli doonaan munaasabad lagusoo bandhigayo qorshaha qodista shidaalka, waxaase ugu weyn ee ay ka wadahadlayaan waa arinta gobolka kusoo korortay ee Somaliland iyo Isarel.
