Kongareeska dalka Peru ayaa u codeeyay in xilka laga qaado madaxweynaha ku meel gaarka ah ee José Jerí oo xilka hayay afar bilood, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu shaaca ka qaado kulamo uu la yeeshay ganacsato Shiinees ah.
Koongaraska dalkaas ayaa tallaabadan qaaday ka dib markii uu José Jerí sidoo kale lagu eedeeyay inuu dhowr haween ah u magacaabay dawladdiisa maalmo gudahood ka dib markii uu habeenkii kula kulmay qasriga madaxtooyada.
Fadeexadan ayaa soo ifbaxday bishii hore ka dib markii la arkay muuqaallo muujinaya Jerí oo dhowr jeer la kulmay ganacsade Zhihua Yang, oo dowladda ay baaritaan ku haysay.
Jerí ayaa hore raaligelin uga bixiyay kulamada, laakiin wuu beeniyay inuu wax qalad ah sameeyay, wuxuuna ku eedeeyay kuwa la tartamaya inay sameeyeen olole sumcad dil ah.
Xil ka qaadistiisa ayaa ka dhigaysa madaxweynihii saddexaad ee si xirriir ah xilka loga qaado, ka dib markii uu beddelay hoggaamiyihii hore, Dina Boluarte, oo xilka laga qaaday bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Jerí wuxuu ahaa madaxweynihii toddobaad ee Peru. Kongareeska Peru ayaana Arbacada u codeyn doona madaxweynaha ku meel gaarka ah ee xiga.
Sharciga Peru wuxuu farayaa madaxweynayaasha inay diiwaan galiyaan dhammaan hawlahooda rasmiga ah, laakiin hoggaamiyihii hore ee hadda ma uusan duubin shirarkaas uu la yeeshay ganacsatada Shiineeska ah, taas oo horseeday in xilka laga tuuro.
