boramanews.com

Mareykanka oo Pakistaan ku casuumay wadahadallada Iiraan uu la yeelan doono

Pakistan ayaa ka qayb gali doonta wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa BBC Urdu u xaqiijiyay in uu helay casuumaad loogu talagalay wada-hadallada.

Inkastoo aan weli la go’aamin cida ka qayb geli doonta dhinaca Pakistan, xubin ka tirsan kooxda Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa BBC Urdu u sheegay in Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ishaq Dar ay u badantahay inuu ka qayb galo.

Dhinaca kale, mas’uul Carbeed ayaa AFP u sheegay in kulanka loo maleynayo inuu ka dhaco Turkiga Jimcaha. Mas’uul kale oo Reuters la hadlay ayaa sheegay in mudnaanta wada-hadallada ay tahay in la joojiyo khilaaf kasta isla markaana la yareeyo xiisadda u dhaxaysa labada dhinac.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhowr awoodaha gobolka ah lagu casuumay wada-hadallada. Sida uu mas’uulkaasi sheegay, dhowr dal oo ay ka mid yihiin Pakistan, Sacuudi Carabiya, Qatar, Masar, Cumaan, iyo Imaaraatka Carabta ayaa lagu casuumay weliba heer wasiirarrada arrimaha dibadda.

Related posts

Maalqabeenka Elon Musk Iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar Oo Hadalo Kulul is-Waydaarsaday

Cabdi Casiis

“Awdal way fahamsan yihiin Xasan Sheekh albaab walbana way kasoo xidheen”Wasiirka arrimaha dibadda

Cabdi Casiis

Madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Venezuela oo la dhaariyay

Cabdi Casiis