boramanews.com

Markab kuwa ciidamada badda Iiran oo ku deggey agagaarka xeebaha Sri Lanka

Ciidamada badda iyo hawada ee Sri Lanka ayaa loo diray inay badbaadiyaan ciidamada ilaalada xeebaha Iiraan oo diray wicitaan gurmad deg-deg ah kadib markii markabkoodu ku bilaabay inuu quuso agagaarka jasiiradda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sri Lanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Vijitha Herath, ayaa baarlamaanka u sheegay in calaamad deg-deg ah oo ka timid markabka “IRIS Dena” la helay waaberigii. Waxaa la sheegay in 180 qof ay saarnaayeen markabka.

Herath ayaa intaa ku daray in 30 ka mid ah ciidamada badda dhaawacmeen lana geeyay isbitaal ku yaalla dekedda Galle ee Sri Lanka.

Sababta quusidda markabka lama oga weli. Xildhibaanno mucaarad ah ayaa weydiyay in markabka la qarxiyay qayb ka mid ah weerarada Mareykanka–Israel ee ka dhan ah Iran, laakiin jawaab rasmi ah weli lama bixin.

Related posts

Magaalada Borama Oo Maanta Laga Oogay Salaada Roob Doonta

Cabdi Casiis

“Dawlada Lafteeda Ayaan Ogolayn Arinta Citiraafka Somaaliland Heshay.” Xoghayaha G.Dh Xisbiga Kaah

Cabdi Casiis

Sacuudiga oo mar kale si adag uga hadlay arrinta midnimada Soomaaliya

Cabdi Casiis