boramanews.com

Maxaa ka jira in Imaaraadku Itoobiya ka dhisay xero lagu tababaro fallaagada Suudaan ee RSF

Warbixin baaritaan ah oo wakaaladda wararka Reuters ay daabacday ayaa shaaca ka qaadday in xero tababar oo ay leeyihiin Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) laga dhisay deegaanka Benishangul-Gumuz ee waqooyi Galbeed ee dalka Itoobiya.

Warbixintan ayaa soo baxday xilli la sheegayo in dalal deris la ah Suudaan iyo kuwo Bariga Dhexe ay si isa soo taraysa ugu lug leeyihiin colaadda aloosan Suudaan.

Wakaaladda Reuters waxay sheegtay in dhismaha xeradan tababar uu muujinayo in Itoobiyaanku ku lug leeyihiin dagaalka Suudaan. Waxayna intaas ku dartay in taageeridda RSF xilli dagaalku si gaar ah ugu sii xoogeysanayo koonfurta Suudaan ay sii xumaynayso khatarta iyo waxyeellada colaadda daba-dheeraatay.
Sida warbixinta lagu sheegay, saddex ilo wareed oo ay ku jiraan mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa tilmaamay in dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) uu taageeray dhismaha xeradan milatari, islamarkaana uu bixiyay tababar iyo taageero dhanka saadka ah

Related posts

” Iyada Oo Ay ilaalinayaan Afrikaan badankoodu aanu diin lahayn, ayay Somaliland “

Cabdi Casiis

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Amaanka Ayaa Ku Dhintay Dibadbaxyda Ka Socda Iran

Cabdi Casiis

Waddankii ugu horeeyay ee Afrika ee helay daroonka casriga ah ee Ruushka

Cabdi Casiis