boramanews.com

Saraakiisha Ciidamada Federaalka oo kulan ka yeeshay Adkaynta Amniga Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay kulan looga hadlay amniga Magaaladaas, saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa ka shiray sidii loo xoojin lahaa nabadgalyada Xarunta Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa ciidamad ammaanka faray in ay xoojiyaan nabadgalyada Magaalada Baydhabo oo mas’uuliyad wayn ka saaran tahay ilaalinta Bulshada halkaasi ku nool.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo mas’uuliyiin kale ayaa lala wadaagay warbixinno la xiriira qaabka loo adkaynayo amniga Magaalada Baydhabo.

Isbaddelka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa sababay in kulamada u dhaxeeya saraakiisha laamaha ammaanka ee Magaaladaas ay kordhiyaan howlgallada lagu sugayo nabadgalyada si aanay u dhicin firaaq dhinaca maamulka ah.

Related posts

“Dawlada Lafteeda Ayaan Ogolayn Arinta Citiraafka Somaaliland Heshay.” Xoghayaha G.Dh Xisbiga Kaah

Cabdi Casiis

Markab kuwa ciidamada badda Iiran oo ku deggey agagaarka xeebaha Sri Lanka

Cabdi Casiis

Madaxweyne afar bilood un talinayay oo xilka laga tuuray

Cabdi Casiis