Askari ka tirsan ciidamada ammaanka Iran ayaa lagu dilay maalintii afaraad dibadbaxyada ka socda dalka kuwaas oo ka dhashay qiima-dhaca ku yimid lacagta.
Muuqaallo ay heshay laanta afka Persia ee BBC ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo rasaas ku ridaya dibadbaxayaasha magaaalada.
Iska hor’imaadyo ayaa sidoo kale laga soo sheegay gobolka koonfurta ee Fars iyo gobolka galbeedka ee Hamedan.
Mas’uuliyiinta caasimada Tehran ayaa ku dhawaaqay Arbacadii maalin fasax ah taas oo u muqatay in ay aheyd arrin ay ku qaboojinayeen xaalada ka bilaabatay caasimada.
Wararka ka imaanaya gobolka Faras ayaa sheegaya askari 21 jir ah oo ka tirsanaa ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran in lagu dilay dibadbaxyada magaalada Kouhdasht.
Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa isku dayay in ay jabsadaan dhismo ay leedahay dowladda hoose halkaas oo ay ku dhaawceen saddex askari, waxaana la xiray afar qof.
Dhammaan waxaa la xiray iskuulada, jaamacadaha iyo hay’adaha guud kaddib markii ay dowladda ku dhawaaqday maalinta fasax ah.
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in dowladiisa ay dhageysaneyso “dalabyada sharciga waafaqsan” ee ka imaanaya dibadbaxayaasha. Balse xeer-ilaaliyaha guud, Mohammad Movahedi-Azad, ayaa sido kale ka digay in isku day kasta ee lagu abuurayo xasiloonidaro looga hortagayo wax uu ku tilmaamay “Jawaab adag”.
