boramanews.com

Trump oo hadlay kadib diyaaraddii Iiraan ee ciidamadiisu soo rideen shalay

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in wada-xaajoodyada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay weli socdaan, isla markaana ay jiraan kulammo badan oo la qorsheeyay oo ay yeelanayaan wakiilladiisa.

Inkasta oo hadallada Mr. Trump ay la mid yihiin kuwii uu sheegayy maalmahan u dambeeyay, haddana tani waa falcelintii ugu horreysay ee Madaxweynaha Mareykanka tan iyo markii ciidamada Mareykanku ay soo rideen diyaarad aan duuliyaha lahayn (drone) oo ay leedahay Iiraan, taas oo ka dhacday biyaha ku xeeran Iiraan, dhacdadaas oo Talaadadii shalay ahayd warbaahinta caalamku aad uga hadashay.

Mr. Trump ayaa sidoo kale sheegay xalay “Way wada-xaajoonayaan. Waxay rabaan inay wax sameeyaan, annaguna waa inaan aragnaa in wax dhab ah ay dhacayaan iyo in kale. Waxay heleen fursad ay wax ku sameeyaan waqti ka hor, balse ma aysan shaqayn. Markaas ayaan fulinnay Hawlgalka ‘Midnight Hammer’. Uma maleynayo inay rabaan in taas mar kale ay dhacdo, waxeyna diyaar u yihiin wada-xaajood. Annaguna waan la wada-xaajoonaynaa.”

Related posts

“Xukuumaddu gacan bira ha ku qabato ammaanka xuduudaha galbeedka” Xisbiga KULMIYE

Cabdi Casiis

Soomaaliya oo sheegtay in Qadiyadda Somaliland ay geynayso Maxkamadda ICJ

Cabdi Casiis

“Ismaaciil Cumar Geelow hadii shacabka khaatiyanka ah ee Jabuuti kugu dareero oo anagu” Xasan Shahar

Cabdi Casiis