boramanews.com

Trump oo u hanjabay dalal ay xulufo dhow yihiin markii ay ka horyimaadeen qorshe uu watay

Hanjabaadiisa ayuu madaxweyne Donald Trump ku sheegay inuu canshuuro cusub kusoo rogi doono siddeed dal oo ay xulufo yihiin kuwaas oo ka horyimi qorshihiisa uu ku doonayo la wareegidda Greenland, taas oo dhalisay cambaareyn ugu timid hoggaamiyaasha dalalkaas.

Ra’iisul wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay “gebi ahaanba khalad”, halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Hadalladan ayaa yimid kaddib markii Trump uu ku dhawaaqay in canshuur dhan 10% lagu soo rogi doono badeecadaha uga yimaada Denmark, Norway, Sweden, France, Germany, UK, Netherlands iyo Finland, taas oo dhaqan geli doonta 1-da Febraayo balse mustaqbalka gaari karta 25% — isla markaana sii jiri doonta ilaa heshiis laga gaarayo.

Trump wuxuu ku adkeysanayaa in dhulka is-maamulka ah ee hoos yimaada Denmark uu muhiim u yahay ammaanka Mareykanka, mana uusan meesha ka saarin suurtagalnimada in xoog lagu qabsado.

Dhanka kale, kumannaan qof ayaa Sabtidii isugu soo baxay waddooyinka Greenland iyo Denmark, iyaga oo ka cabanaya qorshaha Mareykanka ee la soo jeediyay ee la wareegidda Greenland.

Related posts

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Amaanka Ayaa Ku Dhintay Dibadbaxyda Ka Socda Iran

Cabdi Casiis

Kadib duqeymo ba’an oo maalmo ku socday dalkiisa hadda ayuu ku baaqay xabad-joojin

Cabdi Casiis

Maxaa ka jira in Imaaraadku Itoobiya ka dhisay xero lagu tababaro fallaagada Suudaan ee RSF

Cabdi Casiis