Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka militari iyo ballaarinta wada-shaqlaynta amni ee u dhexeysa labada dal.
Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Difaaca Qatar, Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al-Thaani, iyadoo ay ku kulmeen dhinacyadu shirka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee Doha, oo loo yaqaan DIMDEX, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.
Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga difaaca, lana horumariyo hannaanada isku-xirka amniga, uuna taageero dadaallada labada dhinac ah ee lagu horumarinayo amniga iyo xasilloonida heerka gobol iyo midda caalami ah, ayay wakaaladdu tiri.
SONNA ayaa intaas ku dartay in heshiiskani uu ka tarjumayo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Qatar, isla markaana uu muujinayo danaha ay wadaagaan ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga la Xidhiidha
