boramanews.com

Dad ku dhintay rabashado maalintii shanaad ka socda Iiraan

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen shan maalmood oo ay socdeen mudaharaadyo ka dhan ah dowladda, kuwaas oo ka dhashay sicir-bararka badeecadaha iyo qiimo-dhaca lacagta dalka.

Ilaa 30 qof ayaa lagu eedeeyay falal rabshado ah, waxaana lagu xiray gobolka Malard oo galbeedka ka xiga caasimadda Tehran, kaddib markii ay aqoonsadeen ciidammada ammaanka.

Intii ay socdeen iska-horimaadyada, gaadiid ayaa la gubay, iyadoo ay isku dhaceen mudaharaadayaal iyo ciidammada ammaanka.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya askariyo ka jawaabaya ficillada mudaharaadayaasha, iyagoo dhagxaan tuuraya islamarkaana adeegsanaya gaaska dadka ka ilmaysiiya.Dadka ayaa ka cabanaya maciishadda iyo nolosha oo qaaliyowday.

Related posts

Dalalka Israel Iyo Morocco Oo Kala Saxeexday Heshiis Milateri.

Cabdi Casiis

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay fadeexadda Mandelson

Cabdi Casiis

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Amaanka Ayaa Ku Dhintay Dibadbaxyda Ka Socda Iran

Cabdi Casiis