Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay garoomo dhowr ah oo ku yaalla gobolka Tegrey, kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha iyo cabsi laga qabo in dib colaadi uga dhex qaraxdo dowladda federaalka iyo TPLF. BBC ayaa xaqiijisay in duullimaadyadii u kala gooshi jiray Addis Ababa iyo Tegrey la hakiyay, iyadoo rakaabka lagu wargeliyay farriimo qoraal ah oo lagu sheegay in ay dhaceen “duruufo lama filaan ah.”
Duullimaadyadii maanta loo qorsheeyay inay ka baxaan Addis Ababa kuna wajahnaa Mekelle, Humera, Shire, iyo Aksum ayaa la baajiyay. Wariye BBC Tigrinya ah oo ku sugan Mekelle ayaa xaqiijiyay baajintaas kaddib booqasho uu ku tagay xafiiska tigidhada ee shirkadda. Shaqaalaha shirkadda diyaaradaha iyo garoonka Mekelle ayaa sidoo kale lagu amray inaysan shaqo iman Khamiista maanta ah. Ilaa hadda, Ethiopian Airlines iyo dowladda midkoodna kama hadlin arrintan, halka Horn of Africa Services ay weli sugayso jawaab ka timaadda shirkadda.
Dhanka kale, warar ka imanaya waqooyi-galbeed Itoobiya ayaa sheegaya iska-horimaadyo u dhexeeya ciidanka federaalka iyo dagaalyahannada Tegrey oo ka dhacay Mai Degusha, oo ah deegaan muran ka taagan yahay kana tirsan Degmada Tselemti, ayna ku muransanyihiin gobollada Amhara iyo Tegrey. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub oo ka socda koonfurta Tegrey, taasoo sii xoojinaysa walaaca laga qabo in colaad dib u qaraxdo. Ilaa hadda, wax xaqiijin rasmi ah kama soo bixin dowladda federaalka Itoobiya ama maamulka Tegrey.
