boramanews.com

Madaxwayne Erdogan oo markan ka hadlay faa’iidada ku jirta aqoonsiga Somaliland

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayyip Erdogan, ayaa Talaadadii shalay ahayd sheegay mar kalae ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, isagoo sheegay in aysan wax faa’ida ah u lahayn Somaliland laftirkeeda ama xataa gobolka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters..

Bishii Diseembar, Erdogan wuxuu sheegay in go’aanka Israel ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, uu yahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin, wuxuuna ku eedeeyay Israa’iil inay isku dayeyso inay carqaladeyso Geeska Afrika.

“Waxaan si gaar ah u jeclaan lahaa inaan hoosta ka xariiqo mowqifkeena ku aaddan qiimeynta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha ku yaal aagga ay Itoobiya ku taallo,” ayuu Erdogan ku sheegay shir jaraa’id intii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagay Addis Ababa, isagoo intaa ku daray in Turkigu uusan dooneynin khilaaf hor lehoo ka dhaca gobolka.

“Waxaan aaminsannahay in dalalka gobolka ay u baahan yihiin inay xal u helaan mushkiladaha gobolka ka taagan iyo in Geeska Afrika uusan noqon goob ay tartan ugu jiraan quwado shisheeye. Marka la eego arrintaas, waxaan jeclaan lahaa inaan xoogga saaro in aqoonsiga Israel ay aqoonsatay Somaliland uusan wax faa’ida ah u lahayn Somaliland ama Geeska Afrika,” ayuu intaa raaciyay Erdogan.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore magaalada Hargeysa kaga hadlay sida uu Turkigu uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

“Turkiga waa waddankii koowaad ee dunida aqoonsada jiritaanka Israa’iil sanadkii 1984-kii. Waagaas ilaa maanta marxalad kasta oo dhacda Turkigu marnaba xidhiidhka uu Israa’iil la leeyahay iska daa inuu gooyee hoos uma dhigo. Markaa maanta Turkigu diin nooma sheegi karo, taariikhna inooma sheegi karo, dhaqan kalena inooma sheegi karo, danteennana inooma sheegi karo. Danteenna innagaa naqaanna, innagaa ka shaqeyneyna, innagaa u taagan, innagaa matalna.

“Waxaa jira waddamo badan oo dunida ka mid ah oo iyaguna aqoonsiga Somailand dhibaato u arka. Waxaan rabnaa inaan dunida oo dhan u sheegno aqoonsiga Somailand wuxuu soo kordhinayaa oo uu wax weyn ku tarayaa nabadda gobolka, wuxuu wax weyn ku tarayaa ilaalinta iyo adkeynta amniga Badda Cas, wuxuu wax weyn ku tarayaa wada noolaanshaha iyo dhaqaalaha, is dhexgalka gobolka aynu ku nool nahay” Ayuu yiri wasiir Khadar.

Turkiga oo ah xubin ka tirsan NATO ayaa kordhiyay saameyntiisa Afrika sannadihii u dambeeyay, isagoo tababar u fidiya ciidamada amniga Soomaaliya isla markaana bixiya gargaar.

Ankara waxay sidoo kale xiriir dhow la samaysay dalal kale oo gobolka ah, oo ay ku jirto Itoobiya.

Turkiga ayaa sidoo kale ka mid ahaa wadamada ugu codka dheer ee dhaleeceeya Israel iyo weerarkii ay ku qaaday Gaza, isagoo ku tilmaamay xasuuq. Wuxuu jaray dhammaan heshiisyadii ganacsigii ee uu la lahaa Israa’iil.

Related posts

“Loo dulqaadan maayo cid kasta oo isku dayda in ay tafsiir qaladan…” Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland

Cabdi Casiis

Soomaaliya oo sheegtay in Qadiyadda Somaliland ay geynayso Maxkamadda ICJ

Cabdi Casiis

Maraykanka Oo Weeraro Ka Fuliyey Nayjeeriya

mustafeamiin@gmail.com