boramanews.com

Markab dagaal oo kale oo Mareykan ah oo gaaray xeebaha dalalka Gacanka

Markale markab dagaal oo Mareykan leeyahay ayaa yimid Bariga Dhexe, sida ay muujinayaan xogaha raadka maraakiibta, iyadoo ay sii kordhen malaha ah in Mareykanku uu qaadi karo weerarro cusub oo Iiraan lagu beegsado.

Maraakiib burburiyaha ay ku rakiban yihiin gantaallada la hago ee USS Delbert D Black ayaa lagu arkay iyagoo maraya Kanaalka Suez kuna sii jeeda gacanka Arbacadii, sida ay muujisay goobta raad-raaca maraakiibta MarineTraffic.

Waxaa la rumeysan yahay in ugu yaraan 10 maraakiib Mareykan ah ay hadda joogaan Bariga Dhexe, oo ay ku jirto markabka diyaaradaha ee USS Abraham Lincoln.

Sarkaal Mareykan ah ayaa BBC Verify u xaqiijiyay Talaadadii in markabkan diyaaradaha ku sugan yahay gobolka, hase yeeshee ma muuqaato goobaha raadka maraakiibta muddo ka badan toddobaad.

Si kastaba, subaxnimadii hore BBC Verify waxay raad-raacday diyaaradda Mareykanka ee Osprey, oo lagu arkay gacanka iyada oo ku sii jeedda Cumaan.

Related posts

Trump oo hadlay kadib diyaaraddii Iiraan ee ciidamadiisu soo rideen shalay

Cabdi Casiis

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha QM oo degdeg ugu baahan lacag ay ku howlgasho 2026

Cabdi Casiis

Shiinaha oo cudud milateri ku soo bandhigay agagaarka Taiwan isagoo digniin u diraya ‘ciidamada gooni u goosadka’

Cabdi Casiis