Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Gaari nooca korontada ku shaqeeya oo dalkiisa lagu sameeyo looguna magac daray Togg guddoonsiiyay Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisi 4tii Febaraayo sanadkaan 2026.
Isla Gaarigaas loogu magac daray Togg ayuu 17kii Febaraayo 2026 u haddiyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, tani waxaa lagu fasiray dhowr qodob sida in uu iib gaynayo waxsoosaarka dadkiisa iyo in uu abuurayo jawi siyaasadeed oo cusub.
Erdogan waxaa muddooyinkii dambe safarrada dibadda ah u raacayay mas’uuliyiin katirsan shirkadda Togg ee Gawaarida samaysa kuwaas oo marka uu wadahadalka soo dhammaado kaddib furaha ku wareejiyaya Madaxweynaha Turkiga isagana sii wareejiyo.
Gaariga Togg:
Togg waa gaari ku shaqeeya Koronto, waxa uu magacaas ka yimid “Türkiye’nin Otomobili Girişim Grubu” oo haddii la fasiro Soomaali ahaan noqonaysa (Kooxda Hindisaha Gaariga Qaranka ee Turkiga) waxaana la aasaasay 25kii June sanadkii 2018.
Muxuu Turkiga u kordhiyay Waxsoosaarkiisa dhinaca Teknoolajiyadda?
Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay waday kordhinta waxsoosaarka dhinaca teknoolajiyadda, waxa uu ku guulaystay samaynta Diyaarado dagaal oo isugu jira kuwa ay raaci karaan ciidamo iyo kuwa duulliye la’aanta ah, Taangiyo, Gaadiid iyo qalabka kale.
Qorshaha Madaxweyne Erdogan waa in uu dalkiisa ka baratansiiyo Dalalka kale ee xubnaha kawada yihiin Gaashaanbuurta NATO isaga oo fursado waa wayn ka dhex helaya iskaashiga Waddamo kala duwan oo Caalamka.
