boramanews.com

Trump oo baahiyay fariin sir ahayd oo uu u soo diray madaxwaynaha Faransiiska

Saraakiil ka ag- dhow madaxweynaha Faransiiska ayaa xaqiijiyay in Emmanuel Macron, fariin gaar ah u diray Donald Trump, uu soo jeediyay in shirweynaha wadamada G7 lagu qabto Paris Khamiista, isla markaana Ruushka lagu casuumo.

Donald Trump wuxuu fariintan ku soo daabacay shabakaddiisa bulshada, Truth Social, taasoo uu ku sheegay in madaxweynaha Faransiiska uu soo jeediyay in Ukraine iyo Denmark lagu casuumo kulanka si looga wada hadlo khilaafaadka ku saabsan Greenland.

“Saaxiibkay, anaga gebi ahaanba waxaan kugu raacasanhay arrimaha Suuriya. Waxaan sameyn karnaa waxyaabo waaweyn oo ku saabsan Iran. Ma fahmin waxa aad ka wado Greenland.”

Iyadoo loola jeedo shir ay isugu yimaadeen madaxda caalamiga ah ee Switzerland, kaasoo madaxweynaha Mareykanka sidoo kale lagu qorsheeyay inuu ka qayb galo, Mr. Macron wuxuu qoray:

“Waxaan qabanqaabin karaa shirkii G7 ee Paris Khamiista galabtii, ka dib markii shirka Davos uu dhamaado.”

Xiriirka Donald Trump iyo Emmanuel Macron ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay Isniintii, markii madaxweynaha Mareykanka uu ku hanjabay inuu canshuur 200% ah ku soo rogo khamriga Faransiiska sababtoo ah Faransiisku waxaa uu diiday inuu ku biiro “hawshiisa nabadda.”

Related posts

Shirkii loo ballansanaa ee Iran iyo Mareykanka oo meel dal kale loo weeciyay iyo go’aanka Aqalka Cad

Cabdi Casiis

Xukunka dilka ah ee Iiraan oo lagu qiyaasay inuu labalaabmay sanadka 2025

Cabdi Casiis

Madaxa howlgalka musaafurinta oo laga saarayo Minneapolis

Cabdi Casiis