BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO SAWIRRADA : Fadhigii Maanta Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Boqolaal Ciidanka Booliska La Keenay iyo Dadweyne Qiireysan Oo .. iyo Buuq Ka Dhashay +SAWIRRO

baaarlamaan_iyo_xeerki

08-02-2014 Hargeysa (Bnn) Fadhigii Golaha wakiilada Somaliland oo Xamaasad iyo Xiiso lahaa ayaa si wayn
loo adkeeyay Amaanka. Ilaalinta Amaanka ayaa u muuqatay mid aanu Golaha wakiiladu dalban islamarkaana dhinaca Xukumadda ka yimid.

Ka hor Inta aanu Fadhigaasi bilaaban ayaa waxaa soo galay Aqalka wakiilada Saraakiil Boolis ah oo qaar kood Madaxtooyada ka tirsan yihiin. Saraakiisha ayaa Amar siiyay Dad fadhiyay Kuraasta Martida ee wakiilada islamarkaana isku dayay inay ka dareeriyaan. Xildhibaano Buuqa ku war helay ayaa ka hor istaagay in la
dareeriyo dadka Golaha martida u ah islamarkaana Saraakiishaasi waydiiyay
sababta ay u dareerinayaan dadka Golaha soo bookhday.

Saraakiisha ayaa ku dooday inay Amniga sugayaan islamarkaana xil ka saaran yahay Amaanka,
dadkaasina aanay sharci ahayn inay meesha fadhiyaan, iyagoo ku dooday inay Amaanka golaha khalkhal galin karaan. Dadweynaha ka soo qayb galay fadhiga wakiilada ee Xaasaasiga ahaa ayaa waxaa ku jiray Saraakiil Xisbiga waddani ka tirsan oo ka soo qayb galay sida ay u dhacayaan Mooshinada Wakiilada la filayay
in la keeno.

Saraakiisha ayaa Albaabada Aqalka Wakiilada ku sugnaa ilaa markii fadhigaasi dhamaaday,
iyadoo ilaa dibada Golaha wakiilada Ciidan lagu daadiyay ka dib markii Dadweyne
la socday Guuxa Golaha ka taagnaa maalmihii u dambeeyay islamarkaana ka dhur
sugayay waxa uu ku soo dhamaan doono Fadhigasi.

Golaha wakiiladda ayaan wax rabshad ahi ka dhicin ka dib markii Mooshin ay saxeexeen
inta badan Mudanayaasha Fadhigaasi ka soo qayb galay oo Xisbiga Kulmiye
taabacsani uu Gudoomiyaha wakiiladu sheegay in la taliyaha Sharciga ee Golaha
wakiilada loo gudbinayo islamarkaana si degdega uu u xidhay Fadhigii Golaha
wakiilada.

Xildhibaanada Mooshinkaasi watay oo filayay in Fadhigaasi lagu ansixin doono ayaa ku hugoobay
waxay si wayn uga biyo diideen Go’aanka Gudoomiye Cirro ee ah in Sharciga la
mariyo Mooshinada oo ku aadanaa In dib loo furo Xeer hoosaadka wakiilada, tirada
xilka ka qaadi kara Gudoomiyahana laga dhigo 42 mudane halkii ay ka hayd 55
mudane. Waxa sidoo kale ay dalbanayeen in la kordhiyo Fadhiyada Golaha oo fasax
ku soo fooleeyahay.

jaaa_ja5jaaa_ja5jaaa_ja5jaaa_ja5jaaa_ja5

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 03 December 2013 20:07
Sunday, 17 August 2014 10:34
Tuesday, 11 March 2014 02:11
Tuesday, 18 February 2014 09:12
Monday, 28 April 2014 04:27
Wednesday, 06 November 2013 17:14
Saturday, 11 January 2014 10:51
Sunday, 15 December 2013 05:56
Sunday, 17 November 2013 02:28
Friday, 24 January 2014 06:08