boramanews.com

Itoobiya oo dhisaneysa garoonka diyaaradaha ee ugu casrisan Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dhagax dhigay garoonka ayaa sheegay in dhismaha garoonka looga gol leeyahay in Itoobiya ay noqoto marinka laga doorbido gaadiidka cirka.

Sida uu ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada, garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu oo maanta si rasmi ah loo bilaabay dhismihiisa ayaa ah mashruuca ugu wayn ee horumarinta gaadiidka cirka ee Afrika.

Garoonka caalamiga ah waxaa laga dhisi doonaa magaalada Bishoftu oo 40 km u jirta magaalada Addis Ababa. Marka wejiga koowaad ee dhismaha uu dhammaado, waxa uu garoonku qaadi doonaa 60 milyan oo rakaab ah sanadkii.

Marka la dhammeeyo dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bishoftu, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah garoomada la doorbido, kaliya maahan Itoobiya laakiin sidoo kale Afrika, ayuu yiri Abiy Axmed.

Related posts

Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Dalalka Pakistan Iyo Afghanistan Iyo Talilan Oo Digniin Dirtay

Cabdi Casiis

Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah

Cabdi Casiis

Danjire Tibor Nagy ayaa Dunida u sheegay in Somaliland ay ahayd markeeda horeba dal Madaxbanan

Cabdi Casiis