boramanews.com

Ramadaana Akhriso Talo ku socota ragga Soomaalida ee jecel inay sambuuska ku afuraan

Sambuusku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka fudud ee caanka ka ah magaalooyinka Soomaalida. Bisha Ramadaanka dad aad u badan oo awooda dhaqaale ahaan ayaa jecel in ay ku afuraan.

Anigu shakhsi ahaan, aad uma jecli sambuuska, oo wuu ku yaraa magaalada aan yaraanteydii kusoo barbaaray. Kama caagganeyn cunistiisa, laakiin haddana kama mid ahayn cuntooyinka aan joogtada u cuno.

Maaddama aanan ku fiicneyn cunto karinta, war uma heynin howsha iyo dhibka laga maro diyaarinta sambuuska. Waxaanse ku baraarugay arrintaa dhowr sano ka hor, taas ayaana igu dhalisay in aan joojiyo in aan ku afuro sambuuska ama gurigeyga lagu sammeeyo bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba.

Subaxdaas waxaa guriga ka socotay howsha sambuus sameyska, oo ay ku jireen xaaskeyga iyo gabdho walaalahey ah oo guriga nagula noolaa. Intaan la fariistay ayaan ku iri, maanta sambuuska ayaan idinla sameynayaa ee gambar ii keena. Waxaa la ii dhiibay howshii lagu fidinaayay foolyada oo aan khibrad saas u weyn u baahneyn

Maalintaas waxaan goobjoog u ahaa howsha sambuus sameynta min billow ilaa dhammaad; qasida burka, rifaaqiddiisa, foolyada sambuuska fidinteeda, jarjariddeda, iyo isku laabiddeeda, ka bacdina shiididda hilibka iyo qudaarta lagu dhex shubayo sambuuska.

Burjikooyinka ayaan wax ka shiday, foolyada ayaan wax ka laallaabay iyo waliba buuxinteeda iyo isku dhedhejinteeda. Markii dhowrkii xabbo ee ugu horreeyay jaga-gacdooda ay yeertay ayaan guriga ka baxay oo aan xaafadda walaashey iga yar soo aaday, si aan usoo salaamo.

Sidoo kale, guriga walaashey waxaa ka socotay howl sambuus dubid ah oo intii aan soo arkay la maraayo.

Galab-gaabkii ayaan guriga kusoo laabtay, iyadoo sambuuskii dubiddiisa ay dhammaatay, oo isagoo midabka dahabka oo kale leh saxamo lagu shubay, oo u diyaarsan in lagu afuro.

Related posts

Ku dhowaad 10 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday iskuul ku yaala Canada halka 25 kale ay ku dhaawacmeen

Cabdi Casiis

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo xilkii qaaday taliyihii milatariga Soomaaliya

Cabdi Casiis

Trump ”Soomaaliya xitaa waddan ma aha. Waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwa ugu xun dunida

Cabdi Casiis